Maxaad Kala Socotaa Isku Shaandheynta Golaha Wasiirada Iyo Qorshe Cusub Oo Uu Damacsan Yahay R/W Kheyre?

Xog dheeraad ah ayaa laga helayaa isku shaandheynta uu damacsan yahay inuu sameeyo Ra’iisal wasaaraha Soomaalia Xasan Cali Kheyre.

Sida ay Illo xog ogaal ah inoo sheegeen Golaha Wasiirada ayaa sida ugu dhaqsiyaha badan la doonayaa in isku shaandheyn loogu sameeyo,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in isku shaandheynta ay salfan doonto Wasiiro hadda joogo,kuwaasi oo aan hadda tixda ugu jirin in xilka laga qaadayo.

Sidoo kale,Wasiirada qaar ayaa bedelaad lagu sameyn doonaan iyagoo la dhiibo doono Xafiisyo kale.

Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo hadda ku maqan dalka Imaaraadka Carabta ayaa marka uu soo laabto la filayaa inuu isku shaandheynta uu sameeyo,sida xogta aan ku heleyno.

Shaqsiyaad caan ah ayaa ka soo dhex muuqan doono Wasiirada cusub,waxaana qaarkood la sheegayaa iney ka imaan doonaan Xildhibaanada Baarlamaanka waliba kuwa sida aadka ah ugu dhow madaxtooyada sida madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha Soomaliya.

Isku shaandheynta wasiirada ayaa si aad ah looga hadal hayaa gudaha Xafiisyada Dowladda.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT