Maxaa ka jira in Dowladda Farmaajo oo ay 2-Ra’iisal wasaare yeelan doonta? & Xildhibaan Xogtaan si hoose u shaaciyey

Warar ay heleyso warbaahinta halsheeg.comm ayaa sheegaya in Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya uusan sii joogin doonin Xafiiska sanad kale,xilkana laga qaadi doono.

Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa ku dhow madaxtooyada ayaa sheegaya in muddada 4-sano ee Dowladda jirto yeelan doonto 2-Ra’iisal wasaare,waxaana Dowladdan Dowladihii hore kaga duwanaan doontaa in saddax Ra’iisal wasaare soo mareen.

Wararka ayaa intaasi waxay ku darayaan in Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo hadda sanad u buuxsantay,ugu yaraan sanad kale uu sii joogi doono,Labada sano ee harsana Ra’iisal wasaare kale imaan doono.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa rajo xumo ka muujinaya waxa ka dhalan kara haddii Ra’iisal wasaare Kheyre xilka laga qaado.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaaraha ayaa hadda wax khilaaf ah u dhaxeyn,inkastoo wax kasta ay dhici karaan.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT