Guddoomiyaha Gobolka.”Waxaan Ka Hortagnay Saddex-Burcad Ah Oo Jabsanay Rabay Bakhaar Ganacsi”

Guddoomiyaha G/ Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Osmaan Yariisow oo Muqdisho kula kulmay Guddoomiyaha rugta Ganacsiga Maxamuud C/kariin Gabeyre ayaa dhiira geliyay Ganacsatada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa G/Banaadir oo door muhiim ah kaga jira nolosha Bulshada.

Guddoomiye Yariisow aya inta uu kullanka socday soo hadal qaaday dhacdo dhawaan ka dhacday degmada Warta Nabada ee G/Banaadir oo ahayd Kooxo burcad ah oo dooneysay iney Jabsadaan Bakhaar Ganacsi oo laga hortagay.

Wuxuu Guddoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Muqdisho Engineer Yariisow ku bogaadiyay Ganacsatada Gobolka Banaadir sida hufan ee ay uga qeyb qaadanayaan hanaanka sugida Amniga.

Halkaan Hoose Ka Daawo Muuqaalka:-

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT