Dowladda Federaalka Oo War ka Soo Saartay 1-Arrin Oo Ku Ah Shacabka Soomaaliya

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay ka hadashay xaalada Biyo yarida ah ee ka jirta magaalooyinka qaarkood iyo dhulalka baadiyaha ah ee dalka.

Wasiirka Tamarta, Kheyraadka iyo Biyaha Soomaaliya Saalim Caliyow Ibrow oo magaalada Washignton uga qeyb galaya shirka Sanadlaha ee looga hadlo arrimaha Tamarta Afrika ayaa sheegay shirkan markii ugu horeysay in ay ka qeyb galeyso Soomaaliya.

Wuxuu sheegay Wasiirka Tamarta in ay filayaan Deeqaha dalalka Afrika ee shirkan ka qeyb galaya ay ka helayaan Dowladda Mareykanka in ay qeyb ka noqoto Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiirka oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in Wasaaraddu wado qiimeyn ku saabsan dhulalka ay biyaha ku badan yihiin, kadibna halkaasi ay ka qodaan ceelal, si ay uga faa’ideystaan dadka ay Biyo yarida heyso.

Saalim Caliyow Ibroow ayaa ugu baaqay Hay’addaha ka shaqeeya arrimaha samafalka ee ka hawlgala Soomaaliya in ay gacan ka gaystaan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka ka dhashay Biyo la’aanta ee ka jira dalka.

Waxaa lagu tala jiraa mustaqbalka dhow in dadka qaarkood loo sameeyo biyo dhaamin iyo ceelal qodis, maadaama magaalooyin waa weyn oo ay ka mid tahay Baydhabo xilligan ay ka jiraan Biyo yari.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT