DEG DEG:- Wiil dhalinyaro ah oo caan ku ahaa abaabulka Bulshada oo goordhow Muqdisho lagu dilay

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo degmada Hilliwaa ee G/Banaadir gaar ahaan Ex-control Balcad waxaa saakay ka dhacay dil loo geystay qof mid ah dadka degaanka.

Dilkan oo loo geystay wiil dhalinyaro ah ayaa waxaa geystay koox ku hubeysan Bastoolado, kuwaasi oo dilka kadib ka baxsaday goobta, maadaama ay gaareen dantii ay lahaayeen.

Wiilka la dilay oo magaciisa lagu soo koobay Cumar ayaa waxaa dadka degaanka ay sheegeen inuu ka mid ahaa dhalinyarada degmada ee sida aadka ugu wanaagsan abaabulka gaar ahaan xilliyada ay jiraan Ciyaaradaha iyo Banaanbaxyada.

Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka oo goobta uu dilka ka dhacay gaaray ayaa waxa ay daqiiqado kooban xireen halkaasi, waxayna qaadeen Meydka qofka la dilay.

Ciidamada ayaa halkaasi ka sameeyay baaritaano la xiriira qaabka uu dilka u dhacay, waxaanan jirin cid loo soo qabtay dilka ka dhacay degmada Hilliwaa.

Maamulka degmada iyo Hay’adaha ammaanka oo aan la xiriirnay ayaa waxa ay inoo sheegeen in ay wadaan Howlgallo lagu raadinayo raggii dilka ka dambeeyay, gacantana ay ku soo dhigi doonaan.

 

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT