C/Weli Gaas Oo Kala Diray Maamulka Magaalada Boosaaso +Sababtu Maxay Tahay?

M/weynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo kala diray xubnaha golaha deegaanka ee magaaladaas ayaa soo magacaabay xubno cusub oo sii wada doono shaqada socotay, waxaana si gaar ah M/weynuhu u magaacaby Duq iyo kuxigeen cusub.

Wareegto ka soo baxday Xaafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa lagu sheegay in ay xubnahan yihiin kuwa karti u leh howsha loo igmaday ee KMG-nimada maamulka magaalada Boosaaso.

Duqa cusub ee la magacaabay ayaa ahaa wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyada ee hadda xilkan hayey, waxaana horey u soo noqday gudoomiyaha degmada Waaciye ee gobalka Barri.

Warqadda lagu magacaabay xubnahan ayaa u qorneyd.

Xeer Madaxweyne Lr.32 March 01, 2018, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Kumeel Gaarka ah ee Degmada Boosaaso.

Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka dawladda Puntland.

Markuu tixgaliyey: Baahida loo qabo in ay sii socoto shaqada maamulka Degmada Boosaaso.

Marku Qiimeeyey: Tala soo Jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dawladaha Hoose iyo Horumarinta reer miyiga.

1- Waxaa Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan si ku meel gaara loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Boosaaso.

2.Waxaa Siciid Cabdirxmaan Maxamed si ku meel gaar ah loogu magacaabay ku – Xigeenka Guddoomiyaha Degmada Boosaaso.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT