Ammaanka Muqdisho oo sii xumaanaya & Laamaha amaanka oo feejignaan dheeri ah ku jira

Waxaa sii kordhaya cabsida laga qabo in Qaraxyo iyo weeraro ka dhacaan magaalada Muqdisho ayaa sii kordheysa,waxaana arintaan ay daba socotaa digniin dhawaan ay soo saareen Saaxiibada iyo Qaramada Midooobay ee fariisinka ku leh xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay,waxaana xiran qeybo ka mid ah Waddooyinka ugu muhiimsan magaalada Muqdisho oo meelaha qaar xitaa dadka Aqoonsi ku marayaan marka ay timaado lugta.

Iyadoo ay jirto digniinta la soo saaray ayaa hadana maanta wuxuu Qarax ismiidaamin ah ka dhacay Bar Kontarol oo Ciidamada amaanka ku leeyihiin Siinka dheer ee duleedka Muqdisho,halkaasi oo ruuxa waday gaari miineysan isku qarxiyay.

3-Qof oo labo ka mid ah shacab yihiin midka kalena uu askari yahay ayaa ku dhintay Qaraxa,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in Qaraxa uu ku soo jeeday magaalada Muqdisho.

Goobaha laga degay in Qaraxyo ay ka dhacaan waxaa ka mid ah Hotelo ku yaalo Wadada Maka Almukarama iyo Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Laamaha amaanka ayaa qaaday Talaabooyin wax ku ool ah oo looga hortagayo Qaraxyo ka dhaca magaalada Muqdisho,waxaana Ciidamo hubeysan la dhigay Waddooyinka ugu muhiimsan Muqdisho.
Maxay Al-Shabaab ka yiraahdeen Qaraxii ismiidaaminta maanta Muqdisho ka dhacay?
Xarakaada Al-shabaab ayaa sheegatay in goordhow ay weerar ismiidaamin ah ka fulisay degaanka Siinka dheer oo ah bar koontarool oo ay Ciidamada dowladda ku leeyihiin duleedka Muqdisho.

Warbixinta Al-shabab waxaa ay ku sheegeen in ay ku dhawaad 20 Askari ku dileen weerarka oo ay sheegeen in ay la beegsadeen Ciidamo dowladda ah oo isugu yimid Koontaroolka Siinka dheer ee Duleedka Magaalada Muqdisho.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Dhinaca Dowladda Soomaaliya,dhinaca kale Afhayeenka Wasaaradda amniga ayaa u sheegay warbaahinta in saaka ay Ciidamada AMISOM ee deggan degaanka Carbiska ay qarxiyeen walxaha qarxa kuwaas oo dowladdii Milatariga kaga tagtay degaankaas.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT