Dagaal Xooggan oo ka dhacay deegaanka Moqokori ee G/Hiiraan

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Moqokori ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya dagaal culus subaxnimadii hore ee saakay uu halkaa ku dhaxmaray ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalkan oo bilowday Aroortii hore ee saakay ayaa socday saacado dhower ah, wuxuuna dagaalka yimid kaddib markii ciidamada dowladda federaalka ay weerarreen deegaanka oo ay gacanta ku hayeen Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa sheegay in ay si rasmi ah ula wareegeen gacanta ku heynta deegaanka Moqokori islamarkana kana saareen xoogagga Al-shabaab.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkan dhexmaray ciidamada dowladda iyo Al-shabaab, maadaama weerarka uu dhacay xilli aroor ah ayna adag tahay in la helo xogta rasmiga ah.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT