Wasiir Bayle. “Dadka waa in ay canshuurta bixiyaan ama isaga tagaan waddanka”

Wasiirka Wasaarada Maaliyadda ee Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle oo Warbaahinta kula hadlay Xafiiskiisa ayaa ka warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay bishaan febraayo ee maanta ku eg.

Wasiir Bayle ayaa Sheegay shaqo joojintii Ganacsatada ay bishaan sameeyeen in uu saameeyay lacagihii soo gali jiray Wasaaradda Maaliyadda.

Bixinta Mushaaraadka ayuu sheegay in loogu tala galay dhamaadka bisha in la bixiyo, balse qeybo kamid ah ay bixiyeen, halka kuwa kalana ay qorsheynayaan in ay bixiyaan.

Waxa uu tibaaxay in aanan wadan iyo madax banaani la sheegan karin, hadii aanan la bixin Canshuurta, maadaama dalka wax qabadkiisu lagu fuliyo.

Hoteelada iyo goobaha wax lagu cabo ayuu sheegay in ay dhaqan geliyeen bixinta Canshuurta Iibka, iminkana ay biirinayaan Bankiyada, Xawaaladaha, Shirdaha Biyaha iyo Korontada iyo kuwo kale.

“Qaskii dhacay ee sababay in Goobaha Ganacsiga la xiro, waxa ay na dhaxalseen in wax badan ay soo bixi waayaan bisha aan hadda Joogno, Balse waxaan ku kalsoon nahay in aan bixin karno Mushaaraadka oo qaarkood shalay iyo daraad aan saxiixay” ayuu yiri Wasiir Bayle.

Waa uu sii hadlay waxa uuna sheegay in bisha soo soco ee March ay lamid tahay 31-kii December, ayna doonayaan in ay soo saaraan 41 Milyan oo laga doonayo Saddex bil oo ku eg dhamaadka Bisha March.

Hay’adda Lacagta Aduunka ayuu sheegay in ay ku heshiiyeen in lacagaha Soomaaliya lagu leeyahay ay bixiyaan Dowladda iyo shacabka oo iskaashanaya, habka lagu bixin karana ay tahay Canshuurta la qaadayo.

Dadka ayuu ugu baaqay in ay bixiyaan Canshuurta ama ay isaga tagaan dalka, maadaama uu sheegay in Canshuurta iyo dalka ay isku xiran yihiin.

Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa Canshuurta Iibka kusoo rogtay ganacsatada, waxaana xigay in Ganacsatada ay labo Maalin xiraan Goobahooda Ganacsiga, iyadoona kolkii dambe Guddi ka socday Maamulka Gobolka Banaadir iyo Ganacsatada ay la kulmeen Madaxda Dowladda, dibna loo furay Goobaha Ganacsiga.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT