Maxaad ka taqaanaa 4-Qodob Ee U Xaniban Yahay Heshiiskii Galmudug Iyo Ahlu –Sunna?

Heshiiskii Galmudug loogu midoobay oo muddo soo jiitamayay, waxaa isku soo dhawaanshiyaha labada dhinac uu toos u bilawday 3 December 2017, kadib Markii Jabuuti ay labada dhinac heshiis ku kala saxiixdeen.

Hormuud waxaa ka ahaa Beesha Caalamka iyo Urur Goboleed IGAD, Dowladda Federaalka ayaa dhankeeda ku laheyd Kor joogto looga fir-fircoonaa wada hadalka xiligaasi socday.

Qodobadii Jabuuti lagu soo wada hadlay waxaa kamid ahaa in Dhuusameeb lagu dhameystiro Heshiiskii Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Labo Dhinac ayaa kolkaasi laga eegay si aan kasoo xigtay Xubno kamid ahaa dadkii wada hadalka ku jiray:-

1-Magaalada Dhuusameeb ayaa dastuurka Galmudug ugu qoran in ay tahay Caasimadda Maamulkaasi.

2-In loo arkay Ahlu Sunna in ay maamulaan Magaalada Dhuusamareeb, maamulkoodana ay u tahay Caasimad.

Labada dhinac ayaa midba waxa uu sameeyey Tanaasul, oo Galmudug waxa ay ka tanaasuleen in looga tago Cadaado oo ah Caasimadda KMG, halka Ahlu Sunna iyana lagu qanciyay in ay Waji Furan kusoo dhaweeyaan Wafdiga Dhuusamareeb tagaya.

18-kii Janaayo 2018 waxaa la isugu tagay Magaalada Dhuusamareeb, waxaa dhacay is gacan qaad Madaxda labadii dhinac ee heshiiska dhexmaray.

Waxaa badalmay Magacii Ahlu Sunna, Madaxweynihii maamulkaasina waxa uu isku badalay Madaxa Xukuumadda Galmudug, Waxaana la Dajiyay Calankii Ahlu Sunna oo lagu badalay Calanka Galmudug.

Doorkii IGAD iyo Beesha Caalamka ayaa la gaaray, waxa uuna ahaa bixinta dhaqaalaha Maamulka Galmudug uu ugu guurayo Caasimadda, Wali ma dhicin in loo Gacan geliyo dhaqaalihii loogu yaboohay, si ay ugu xir-xirtaan safarkooda Dhuusamareeb.

Dhanka kale Fulinta heshiiskan ayaa ku horgudban shaqooyin muhiim ah oo laga sugaayo Madaxda Galmudug oo ay ugu horeyso diyaarinta Caasimadda Dhuusamareeb, iyo si dhab ah iskula falgalaan dhinacyadii Heshiiyay.

Shaqaaleysiinta Howl wadeenada ay u baahan yihiin Wasaaradaha Maamulkaasi, isku dhafka Shaqaalaha Xafiisyada labada Maamul iyo kuwo kale.

Saraakiil katirsan dhinacyadii wada hadalka ka qeyb galay ayaa Mustaqbal u sheegay in howlaha Awoodda Ciidamada Maamulkii Ahlu sunna loogu wareejinayo uu Gaba-gabo marayo.

Waxaana kaliya loo xayiran yahay dhaqaalihii loogu yaboohay, maadaama lagu qabanayo dhanka Ciidanka:-

1-Isku dhafka Ciidamada labada dhinac.

2-Dhismaha Xeryo Ciidan iyo Talis guud oo laga siiyo Amarka.

3-Qorista Ciidamo dheeraad ah, maadaama aanan Deegaanada Galmudug ka howlgalin AMISOM.

4-Helista Mushaar joogta ah oo loo helo Ciidamada.

5-Helista Saanadaha ay ku howlgalayaan iyo kuwo kale.

Waxyaabaha keenay dib udhaca bixinta Dhaqaalaha lagu bixinayo Maamulka Galmudug ayaa sabab looga dhigay in aanan jirin waqti go’an, inkastoo Beesha Caalamka iyo IGAD ay ballan qaadeen in sida ugu dhaqsiyaha badan ku bixinayaan.

Isku milanka Xubnihii heshiiyay ayaa muuqda, waxayna u carab laalaadinayaan dadka u dhega taagaya in ay fursado shaqo ka helaan, maadaama labada dhinac ay heshiiyaan.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT