Mareykanka Oo Weji Cusub Kula Dhaqmi Doona Dalka Soomaaliya+SABABTU MAXAY TAHAY?

Dowladda Mareykanka ayaa markaan waxay waxbadan ka bedaleysaa wejigii ay kula dhaqmi jirtay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xog la helay ayaa sheegeysa in markaan Soomaaliya iyo Mareykanka wax badan iska bedalayo xiriirka dhexdooda ah, waxaana la sheegayaa in Soomaaliya baal cusub loo furayo.

Sidoo kale, xogta ayaa sheegeysa in Mareykanka oo daacad ka noqonayo wax la qabashada dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana waxyaabaha uu hadda xoogga saarayo kamid ah la dagaalanka Al-shabaab.

USA ayaa dooneysa in Soomaaliya ka ciribtirto Al-shabaab, sidoo kalena ay tobabar xooggan siiso ciidamo gaaraya 10 kun askari oo gaar loo tababaro.

Dalal badan ayaa hadda usoo jeedsanaya in Soomaaliya ay si daacad ah wax ula qabtaan, maadaama marar badan la hagraday Soomaaliya.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT