DEG DEG:- Ciidamo Ajabani oo ahayn AMISOM oo caawa lagu kordhinayo Madaxtooyada Soomaaliya

Warar ay heleyso ahinta halsheeg.com ayaa sheegaya in ilaalada madaxtooyada Soomaaliya lagu soo kordhinayo Ciidamo Ajanabi ah oo aan ahayn Ciidamada AMISOM ee ka jooga Soomaaliya hadaba qeybta ka ah ilaalinta xarunta Villa Somalia.

Xogta aan heleyno ayaa sheegaya in Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Fahad Yaasiin iyo Taliyeyaasha Ciidamada Soomaalida ay ka shireen qaabka ugu haboon ee weerarada Al-Shabaab looga weecin karo xarunta madaxtooyada Soomaaliya,islamarkaana la helo Ciidamo tababar caalami ah heysta.

Waxaa warar sheegaya in Ciidamo ka socda Dowladdo shisheeye sida Qadar iyo Mareynkanka lagu soo kordhinayo amniga Madaxtooyada si ay uga tala bixiyaan am aula wadaagaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaalida ee hadda ilaalinaya xogta weerarada Al-Shabaab iyo qaabka ugu sahlan oo lagu ogaan karo.

Amaanka Madaxtooyada ayaa hadda sidii hore laga adkeeyay,waxaana jira Ciidamo fara badan oo lagu kordhiyay goobaha madaxtooyada laga ilaaliyo ka dib weerarkii jimcihii la soo dhaafay lagu qaaday.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT