Cumar C/rashiid oo saluugsan inuu xilka hayo Kheyre & Mowjad Siyaasadeed oo Farmaajo uu dhexda ka… …

Xog hoose oo ay heshay warbaahinta halsheeg.com ayaa sheegaya in Siyaasadda Saomaaliya ay weji cusub yeelan doonto, ka dib marka uu furmo Kalfadhiga baarlamaanka oo Xildhibaanada Labada Aqal ay fasaxa ka soo laaban doonaan.

Xildhibaanada oo garabyo u kala qaybsan, ayaa samayn doono mowjado siyaasadeed oo wejiyo kala duwan leh, waxaana shaki ku jiri doonin in caqabado ay ku noqon doonto Villa Soomaaliya.

Garab ka mid ah Xildhibaanada oo uu horkacayo Xildhibaan Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa ka biyo diidan inuu xilka sii hayo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Cumar C/rashiid iyo xubnaha la safanba waxaa kol hore la isku dayay in laga dhaadhiciyo inay yareeyaan cadaadiska ay saarayaan Xukuumadda laakiin waa lagu guul dareystay.

Ina Sharmaarke iyo ragga ay bahwadaagta yihiin, ayaa ku dagaalamaya in dantii qaranka laga hormarsiiyay dan shakhsi, iyagoona qaba in Somaliya ay la safatay Xukuumadda Doha, halka ay iyaga doonayaan in Dowlada Imaaraadka ay kaga dhawaato Qatar Dowlada Federaalka Soomaaliya.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT