Yaa la hoos geeyay Ammaanka Muqdisho & Mas’uul caan ah oo xog muhiim ah ka bixiyay?

Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca Amniga iyo Siyaasadda maamulka Gobolka Banaadir Maxamed C/laahi Maxamed “Tuulax” ayaa faah faahin ka bixiyay amaanka magaalada Muqdisho iyo qodobada ka soo baxay shir amniga looga hadlayay oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Waxaana uu tilmaamay in cid gaar ah aan loo hoos geyn amniga Caasimadda, balse ay isla garteen taliyeyaashii iyo mas’uuliyiintii ka qeyb galay shirkaasi in si wadajir ah looga shaqeeyo ammaanka gobolka Banaadir.

Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay dadka shacabka ah ee ku dhaqan M/ Muqdisho in ay la shaqeeyaan Ciidamada ammaanka ee Dolwadda Soomaaliya.

Xaaladda Amniga ee magaalada Muqdisho ayaa maalmihii u danbeeyay faraha ka sii baxayay,waxaana sii kordhay Qaraxyada Al-Shabaab ay fulin jireen.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT