Wasiir Bayle Oo Noqday Shaqsi Wax Badan Ka Bedalay Dhaqaalaha Soomaaliya, Lana Dhihi Karo Waa Shaqsi Ku Dayasha Mudan

 

Sri Mulyani Indrawati waa wasiirka maaliyadda ee dalka Indonesia. Waxay soo noqotay madaxii bangiga adduunka. Waxay ku guulaysatay bishaan aan ku jirno dhexdeeda wasiirka maaliyadda ee ugu fiican adduunka kolkii ay si wannaagsan u maamushay nidaamka maaliyaddeed ee waddankeeda, iyada oo waddanku kor uga soo kacay musuq maasuq iyo fakhri.

Mar ay hadashay waxa ay tiri “Anniga ma ahan guushaan qofka gaaray ee waa shacabka reer Indonesia oo canshuurta bixiyey iyo Madaxweynaha oo ay ka go’antahay in wax laga bedello qaabkii hore ee wax ku socdeen, sidoo kale shaqaalaha wasaarradda oo gaaraya 78 kun (78.000). Billad dahab ah iyo boqortooyo ayaa qoorta loo suray!

 

Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, waa wasiirka maaliyadda ee Soomaaliya. Waxaa uu soo noqday mid ka mid ah madaxdii bangiga adduunka ee Afrika. Markii uu noqday wasiirka Maaliyada dhaqaalaha soo gala dowladda wax wayn buu ka qabtay, 80% ayaa dakhliga dowladdu kor u kacay, dhammaan shaqaalaha dowliga ah ayaa helay mushahaaraadkoodii.

Waxaa adduunku qiray in si mucjiso ah uu nidaamka maaliyaddeed ee dalka wax isaga baddeleen. Saas oo ah tahay waxaa asaagiis in uu la tartamo ka reebaya shacab gaar ahaan ganacsato aan ogolayn in ay bixiyaan canshuurtii maaliyaddii magacooda iyo maamuuskooda soo celin lahayd, dalkoodana in uu tuugsi ka maarno keeni lahayd!

Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

W/Qalinkii: Ali Ahmed Haji Ali


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT