Shabaab oo ka hortagay Qorshe halis ku ahaa oo abaabulkeeda uu lahaa Mukhtaar Roobow

War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Xarakada Al-Shabaab ay ka hortagtay mashruuc iyo dhagar uu maleegayay Wadaadka Wadahadalka kula jira Dowladda Soomaaliya Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.

Sheekh Mukhtaar Roobow 5-sano ka hor ka baxay safuufta Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaa’ida ayaa la sheegayaa hadda bilaabay in dhalinyarada jufadiisa ee ku jira Al-Shabaab ku dhiira geliyay iney soo goostaan,islamarkaana safkiisa ku soo biiraan.

Al-Shabaab waxay sheegtay iney ka hortageen Koox Abuubulan oo shabaab doonayayna iney ku biiraan Maleeshiyada uu abaabulayo Mukhtaar Roobow.

Abuu Mansuur ayaa horay loogu ogolaaday in si xoriyad ku jirta uga dhaq dhaqaaqo meesha uu doono, waxaana markii fasaxaasi la siiyay uu ka dalbaday warbaahinnada in aysan ugu yeerin qof isku dhiibay DF-ka ee warka loo dhigo qof heshiis ku jooga dhulalka DF-ka.

Ururka Al-Shabaab oo ka war helay dhaq dhaqaaq Abuu Mansuur ka wado Gobolada Baay iyo Bakool ayaa doonaya iney iyaguna is abaabulaan si ay uga hortagaan gulufkaasi colaadeed ee ku soo wajahan.

Laamaha amaanka magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigay Qodobo ay u arkaan in lagu adkeyn karo amaanka magaalada Muqdisho oo maalmihii u danbeeyay sii xumaanayay.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT