Daawo:- QISO XANUUN BADAN- Haloo Gurmado Walaalkeen Xuseen Cismaan Buulle Oo xaalad Adag Ku Jira

Xuseen Cismaan Buulle waa wiil Soomaaliyeed oo qaxooti ku ah dalka Uganda, wuxuu qabaa labo xaas, waa aabe dhalay 4-Carruur ah.

Waxaa si lama filaan ah u weeraray koox burcad ah oo doonayay in ay ka qaataan Telephone ka gacanta oo uu watay taariikhu markay ahayd 07/12/2017, ka ee sandkii tagay.

Xuseen waxaa dhaawac aad u culus ka soo gaaray madaxa, waxaana qeyb ka mid ah madaxiisa lagu sameeyey qaliin aad u culus, waxaana lagu kaydiyey qeyb lafaha Madaxiisa ka mid ah Isbitaalka Case Hospital eek u yaala magaalda Kampala ee dalka Uganda.

Xuseen wuxuu hada ku jiraa Koomo joogto ah kadib 3- Bilood oouu ku jiray Isbitaalka Case Hospital, waxaana ku baxday baxnaanadiisa qarash kor u dhaafaya ilaa 50,000$ oo doolarka Mareykanka, qarashkaasoo ay iska kaashadeen Soomaalida ku nool magaalada Kampala.

Tabar iyo taag wixii ay hayeen halkaas ayey dhaafi waysay, xaaladda walaalkeenna waa mid weli wax iska badalay aysan jirin .

Hadda waxaa weli dunsan oo bannaan madaxa qeybtiisa hore, maskaxdiisuna wey haawanaysaa, waxaana ku aaddan xuub yar oo harag ah.

Sidoo kale, Xuseen ma uu neefsan karo, cunto iyo cabitaanna ma uu qaadan karo, waxaa laga quudiyaa oo neefta looga qaadaa tubo looga xiray dhuunta.

Muddadii uu Xuseen ku jiray Isbitaalka waxaa maalintii ku bixi jirtay qarash ka badan 600$ oo doolar, qoyska uu ka dhashayna wax tabar ah uma hayaan in ay bixiyaan qarashka Intaa le’eg, taasina waxay keentay in gurigiisa la keeno maadaama aysan awoodin lacagtaas.

Bal qiyaas dhibtaada ay leedahay ruux qeyb ka mid ah madaxiisa Talaajad lagu hayo oo maskaxdiisu ay bannaanka taalo, misane xaafad lagu hayo dhibaatada ay leedahay.

Xaaladdan waa xaalad Aadane soo marta tii ugu adkeyd, qofkasta oo damiir Islaanimo leh u istaagi lahaa wax ka qabashadeeda ku aaddan caawinta walaalkeenna dhiban ee Xuseen Cismaan Buulle.

Dhaqaatiirta dalka Uganda iyo ehelka Xuseenba waxay ku kalsoon yihiin in la badbaadin karo nolosha walaalkeen Xussen haddii loo helo dhaqaalo loo qaado dalalka caafimaadka addunka ku hormaray si qaliin adag loogu sameeyo walaalkeen Xuseen.

Xuseen Cismaan Buulle wuxuu hada marti u yahay qof kasta oo damiir Islaanimo leh, wuxuu badbaado ka sugayaa Umadda Soomaaliyeed meel weliba o ay Addunka ka joogaan, gacantiina ayey ku xiran tahay rajada iyo caafimaadka Xuseen haddii Allle u qoray inuu badbaado, cid-kasta oo gacan ka gaysan karta xaaladda cakiran ee Xuseen waxaan ka codsanaynaa in aysan yareysan walaalkeen xaaladda uu ku sugan yahay.

Hay’adaha gargaarka, Dowladda dhexe ee Soomaaliya, ganacsatada iyo cid-kasta oo awoodda caawinaadda Xuseen, waxaa laga codsanayaa in aad Eebe dartii u caawisaan walaalkeen Xuseen Cismaan Buulle.

Ugu dambeyntii walaalka Muslimaka ahoow/walaasha Muslimadda aheey fadlan Allaha dartiisa u caawi Xuseen Cismaan Buulle oo ah will Soomaaliyeed oo runtii maanta u baahan in aan caawno.
Haddaba si aan kaalinteyda Mislinimo iyo midda Soomaaliyeed uga qeybqaato, dhibkana aan ula wadaago walaalkeen Xuseen Cismaan Buulle ayaan waxaan go’aansaday idhibaatadeeda u soo bandhigo shacbi weynaha Soomaaliyeed meelkasta oo ay dunida ka joogaan.

Walaalka Muslimaka ahoow/walaasha Muslimadda aheey maanta wax sadaqeyso si aad u liibaato maalinta aakhiro waayoo beritoole waxa aad baxsato ayaa wax kuu taraya.

Haddii aad tahay qof ka damqaday xaaladda walaalkeen oo diyaar u inuu caawiyo, waxaad kala soo xariiri kartaan Teleefanada hoos ku xusan:-

1. Axmed Saciid Cali Xaashi oo ah masuul u istaagay caawinaadda walaalkeen Xuseen Buulle.
TeL:- +256792406508
2. Cabdiraxmaan Cismaan Buulle
Tel:- +256772406508
walaalka Xuseen Cismaan Buule
TeL:- +256792172958
Tel:- +256772406508

W/D:- Axmedsaadaq Yuusuf Maxamed
Email:-saadaqcade@gmail.com
Kampala-Uganda

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT