Madax Ka Tirsan DFS Oo Xuquuqdii Askarigii Ay AMISOM Ku Dileen Magaalada Muqdisho Daboolaya

Warar si hoose aan u helnay ayaa waxay sheegayaan in mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ay haatan daboolayaan dhiigga askarigii NISA ee ay Jimcihii dileen ciidamo kamid ah AMISOM.

Wasiirka amniga gudaha iyo sidoo kale saraakiil ciidan ayaa naloo sheegay iney doonayaan in meeshiisa lagu soo xiro kiiskaasi, islamarkaana aan AMISOM waxbo la weydiin.

Xogta ayaa sheegeysa in AMISOM ay si hoose ula soo hadleen wasiir Islow, islamarkaana la isku raacay in kiiska la daboolo.

Waxaa suurtagal ah in qarash lagu kala qaato dhiigga askarigan, iyadoo la awoodo in cadaaladda la horkeeno askartii sida bareerka ah u dilay askari qarankiisa difacaya.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT