Jawiga Magaalada Muqdisho Caawa Waa Sidee?+ Xalad Cabsi Xooggan & Gaari Qaraxyo wada oo Garoonka Aadan Cadde Ku Wajahan

Wararka laga helayo Caasimadda dalka Soomaaliya Muqdisho ayaa sheegaya inay soo baxday digniin ku saabsan weerarro argagixiso oo Alshabaab dooneyso inay ka fuliso bar-tilmaameedyo ka tirsan magaalada Muqdisho.

Ilo sirdoon oo ka tisan NISA iyo kuwa reer Galbeed ah ayaa lasoo weriyay inay ka digeen weerarro iyo qaraxyo lagu qaado Garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo laba hotel oo ku yaalla Wadadda Maka Almukarama, iyadoo ciidamada heegan la geliyay, lana sheegay in weerarrada ay dhacayaan wixii ka danbeeya 26 Febraayo, saddex berri kadib weerarkii Madaxtooyada iyo Xarunta NISA.

Dhinaca kale Isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho dhinaca degmada Boondheere ayaa caawa lagu arkay gaari looga shakiyey inuu miineysan yahay oo qaraxyo laga soo buuxiyey, waxaana la xiray wadooyinka halkaasi gala iyadoo dadweynaha ay ku kala cararraeen.

Gaarigan oo Mini-bus ah ayaa muddo dheer halkaasi yaallay iyadoo la waayay cid iskale oo sheegtay ama meesha ka qaadata, taasoo keentay in laga shakiyo, waxaana xaaladda la wareegay ciidamada amniga oo dadka joojiyey aaggaasi.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT