Deg Deg Ah:- Mid Ka Mid Ah Ergadii Soo Dooratay Xildhibaanada BFS Oo Lagu Dilay Duleedka Muqdisho

 

Kooxo hubeysan oo aan heybtooda la garaneynin ayaa Xalay fiidkii Xaafada Sarkuusta ee duleydka magaalada Muqdisho ku dishay Allaha u naxariistee mid ka mid ah ergadii soo dooratay xildhibaanada barlamaanka Soomaaliya.

Dadka dagan xaafada Sarkuusta ayaa u sheegay in marxuumka la dilay uu ahaa gudoomiyaha Kaam ay dagan yihiin dad Barakacayaal.

Goob joogayaasha ayaa sidoo kale sheegay in kooxihii dilka geystay ay goobta ka baxsadeen, waxaana goobta dilka uu ka dhacay gaaray ciidamo ka tirsan kuwa amaanka oo halkaas howgal kooban ka sameeyay.

Magaalada Muqdisho iyo qaar ka mida gobolada Dalka ayaa horay loogu dilay qaar ka mida Ergadii soo Dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT