Danjiraha Turkiga Ee Soomaaliya Oo Gaaray Hobyo Iyo Qorshe Cajiib Oo Laga Damacsan Yahay

Olgan Bekar Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya ayaa maanta gaaray degmada Hobyo ee G/Mudug, waxaana safiirka ku soo dhoweeyay degmada Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi iyo xubno tirsan Galmudug.

Danjiraha Turkiga ayaa waxaa booqday xarumo dhowr ah sidda goobta laga dhisaayo Dekedda degmada Hobyo.

Dowladda Turkiga ayaa sameyn weyn ku leh Siyaasadda Soomaaliya, waxaana lagu waddaa in dowladda Turkiga ay Mashaariic ka hirgaliso degmada Hobyo.

Madaxwayne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay doorka ay Turkiga ka qaadan karaan hormarinta magaalooyinka Galmudug, gaar ahaan degmada Hobyo oo ah meel taariikhi iyo istiraatiiji ah.

Nagala Soco Youtube Channel – Fadlan Subscribe saar 


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT