Ciidanka NISA oo xabsiga dhigay Suldaan caan ah iyo Sababta oo dad badan ka yaabisay kadib markii…..

Wararka laga helayo Caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xabsiga dhigeen oday dhaqameed kasoo jeeda Somaliland.

Suldaan Xaamud Suldaan Aadan Mataan oo ka mida cuqaasha Somaliland ee Muqdisho ku sugan ayaa xabsiga la dhigay maanta, kadib markii la sheegay inuu isku dayay inuu damiin kusoo daayo nin kasoo jeeda beesha suldaanka uu dhalay loo xiray dacwad ku saabsan hanti la isku heysto, kadibna isagii la xiray.

Suldaanka ayaa la sheegay inuu ku xiran yahay Xarunta CID-da ee magaalada Muqdisho, waxaana arrintan ka hadashay Senotar Nuura Faarax Jaamac oo sheegtay inay dadaal ugu jiraan sii deyntiisa, laakiin telefoonkiisa la damiyey.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT