Booqashada Imaaraadka Carabta Ee Kheyre Oo Kursigiisa Qatar ku Ah Iyo Farmaajo Oo Aad U Careysan

Warar hoose oo ay heshay warbaahinta halsheeg.com ayaa sheegeysa in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uusan wanaagsaneyn xiriirkooda.

Safarka uu shalay uga ambabaxay Magaalada Muqdisho kaasoo uu ku gaaray dalka Imaaraadka ayaa ah sababta ka dambeysa inuu xumaado xiriirka labada shaqsi.

Madaxweynaha ayaa ku adkeysanayay inuusan safarkaasi u bixin Kheyre, dhowr jeer uu ku guuleystay Farmaajo inuu baajiyo ugu dambeyn wuu ku fashilmay Kheyre ayaa ku adkaaday hadafkiisa.

Lama oga sida uu kusoo laaban karo xiriirkii wanaagsanaa ee kalsoonida ku dhisnaa ee u dhaxeeyay Farmaajo iyo Kheyre, walow ay intaasi Kheyre u dheer tahay cadaadis xoogan uu kala kulmayo qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka, waxaana ka hortaagnaa Madaxweyne Farmaajo oo aan hada la ogeyn talaabada uu qaadi doono.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT