XASAASI:- Cabsi & Kala Shaki Xoog leh oo ka dhex taagan Ciidanka Dowladda ee ku sugan Muqdisho+SABABTU MAXAY TAHAY?

Ciidamada DF Soomaaliya ayaa xilligaan waxaa ka dhex taagan kala shaki xooggan, wixii ka dambeeyay markii ciidamadii Shabaab ee Jimcihii weerarka fuliyay ay adeegsadeen Dareeska ciidamada Booliska Soomaaliya.

Ciidamada Dowladda ee magaalada Muqdisho ku sugan, ayaa aad u kala shakisan marka loo eego askari aaminaya askari kale oo uusan aqoonin, isaga oo moodaya inuu ka tirsan yahay Al Shabaab, maadaama Shabaab ay heli karaan dareeska ciidanka, hubna ay haystaan.

Kala shakiga ugu xooggan wuxuu ka jiraa Koontaroolada gaadiidka ay ku hubiyaan ciidamada Dowladda oo si aad ah loogu baaraayo gaadiidka ay wataan ciidamada dowladda, laguna hubinaayo.

Askarta qaar ayaa lagu sii daynaya aqoonsi, ama inay la xiriiraan Sarkaalka u taliya ciidamada oo ay u sheegaan in lagu celinaayo Koontarool, kadibna Sarkaalkaasi uu la soo hadlo Saraakiisha Koontaroolkaasi ku sugan, una sheego ciidamada inay yihiin kuwa ka tirsan Talis Ciidan dowladeed.

Is aamindarada xooggan ee soo kala dhex gasha ciidamada dowladda dhexdooda, ayaa waxa ay dhacdaa inta badan marka ay dhacaan weeraro noocaan oo kale ah oo ay fuliyaan Ururka Al Shabaab.

Madaxtooyadda Somaliya ayaa gabi ahaanba laga mamnuucay inay galaan ciidamo hubaysan, waxaana ciidamada lagu reebayaa Irida Madaxtooyadda, halka loo ogol yahay kaliya inay gudaha galaan Masuuliyiinta iyo Saraakiisha.

Dowladda Federaalka Soomaalia ayaa ku guuleysan la’a xakameynta dareeska ciidamada oo Shabaab ay u adeegsadaan weerarada ay ka fuliyaan magaalada Muqdisho.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT