Shir Xasaasi ah oo la isugu yeeray Laamaha amniga DF oo ka socda Muqdisho & Go’aan laga gaarayo…..

Saraakiisha laamaha ammaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa kulan gaar ah ku leh magaalada Muqdisho.

Kulanka ah oo mid xasaasi ah ayaa waxa uu ka socdaa xarunta taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ee Kumaanda Buluusiya.

Waxaana ka qeyb galaya taliyeyaasha Booliska iyo NISA, guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo mas’uliyiin ka tirsan maamulka G/ Banaadir oo uu hor kacayo Guddoomiye Yariisow.

Warar hor dhac ah oo ay heshay Warqaad.com ayaa sheegaya in shirkaasi diirada lagu saaro isku xirka iyo wada shaqeynta laamaha amaanka ee Dowladda Soomaaliya.

Shirka ayaa daba socda kulan shalay M/ Muqdisho ku yeesheen saraakiisha laamaha ammaanka, wasiirka amniga, guddoomiyaha gobolka Banaadir, iyo ra’iisul wasaare Kheyre, kaas oo looga hadlay ammaanka magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT