R/Wasaaraha oo si deg deg ah u aqbalay fulinta Go’aanka ka soo baxay Farmaajo oo ku aaddan…

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay iney muhiim tahay in la fuliyo Go’aan si wadajir ah uga soo baxay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Golaha Wasiirada oo ku aadan inaan hub sharcidaro ah lagu arkin karin Muqdisho lagana shaqeeyo sidii amaan looga dhigi lahaa.

Xasan Cali Kheyre ayaa Ciidamada Xasilinta Caasimadda looga baahan yahay iney si foojigan u shaqeeyaan,islamarkaana laga dhabeeyo rabitaanka shacabka ee ah nabad iyo nolol.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa faray laamaha amaanka iney adkeeyaan amaanka Muqdisho lagana hortago dhagarta ay maleegayaan Ururka Al-shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa xoogeeda isugu geyneysa sugida amaanka Muqdisho.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT