Oday 70-jir ah oo si xun loogu dilay degmada Afgooye kadib markiii ay soo weerareen…..

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa goor dhow Oday 70 jir ahaa ku dilay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo lagu Magacaabi jiray Abuukar Suldaan.

Dilka ayaa la sheegay in uu ka dhacay Xaafadda Xaawo Taako ee degmadaasi, iyadoona ay goobta isaga baxsadeen Raggii ka dambeyay dilkaasi.

Ilo deegaanka ayaa sheegay in Marxuumka uu ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka ee sida weyn looga yaqaano degmadaasi.

Mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Afgooye oo ku aadan dilkaasi.

Muddooyinkii waxaa sii xoogeysanayay falalka dilalka ah ee ka dhac Afgooye, waxaana maalin ka hor lagu dilay Farsamaqaan si aad ah looga yaqiinay magaaladaasi.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT