Dhageyso:- Ururka ONLF oo ka Hadashay Maxaabiis la sii Daayey

Ururka ONLF ayaa soo dhoweeyey maxaabiista dhowaan ay xabsiga kasii daysay Dowlad deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya oo sheegtay in xabsiga laga sii daayey ilaa 1,500 oo ah maxaabiis ku jireen kuwo nabad-diid ah, eraygaasi oo maamulku inta badan ula jeedo ururka ONLF. Af-hayeen u hadlay maamulkaasi oo lagu magacaabo Maxamed Bile Xasan ayaa VOA Khamiistii uga warramay maxaabiista lasii daayey.

Dhinaca  kale, Af-hayeenka ururka ONLF, Cabdulqaadir Xasan Hirmooge ayaa sheegay in ururka uu tallaabadaas soo dhaweynayo, hase yeeshee loo baahan in la hubiyo tirada dadka ay Dowlad-deegaanku sheegtay in la sii daayey. Caasha Ibraahim Aadan ayuu arrimahaas uga waramay.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso Wareysiga:-


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT