Muxuu yahay amarka uu RW Kheyre siiyey Taliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo NISA Kadib Qaraxyadii Mataanaha ee ka dhacay Muqdisho?

R/Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo la hadlay Ciidamada Xasilinta Caasimadda oo todobaadyadii u dambeeyay warkooda la waayay ayaa ku amray xoojinta ammaanka Caasimadda, waxaana uu uga digay in ciidamada dhexdooda isku dhacaan.

Caawa ayaa la filayaa in magaalada Muqdisho ka bilowdaan howlgalo lagu xaqiijinayo amaanka guud ahaan magaalada,kuwaasi oo ay maanta ku go’aamiyeen Saraakiisha Ciidamada Dowladda.

Ciidamada Xasilinta ayaa lagu amray inay adeecaan Taliyeyaashooda, isla markaana u dhega nuglaadaan amarada la siinayo.

Howl gallada lagu dhawaaqay inay caawa ka bilaabanayaan magaalada Muqdisho ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalintii jimcaha ay qaraxyo iyo weeraro toos ah lagu dilay illaa sodomeeyo ruux, kaasoo ay sheegatay AlShabaab.

Ururka Al-Shabaab ayaa sii laba jibaaray Weerarada Qaraxyada ay ka geysanayaan magaalada Muqdisho,waxaana madaxda Dowladda Arrintaan ay ku tilmaamay mid masiibo Qaran ah.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT