Maxay tahay Thaabit Cabdi Fariinta uu u diray Madaxda DFS & Shacabka?

Guddoomiyihii hore ee G/Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay qaraxyadii xalay 23-ka Febraayo 2018 ka dhacay magaalada Muqdisho isagoo dhinaca kale farriin u diray shacabka caasimadda.

Guddoomiyihii horeMudane Thaabit ayaa tacsi u diray dadkii waxyeelada kasoo gaartay qaraxyada Muqdisho, isagoo Alle uga baryey intii dhimatay inuu Alle u naxariisto, kuwa dhawaca ahna Alle u dhib yareeyo.

“Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan intii waxyeeladu kasoo gaartay qaraxyadii xalay Muqdisho ka dhacay. Allaha u naxariisto intii ku dhimatay, dhaawacana Allaha u dhib yareeyo Si loo helo amni & nabadgelyo lagu kalsonan karo waa muhiim in si wadajir ah (ciidan & madaniba) loo wada shaqeeyo”ayuu farriintiisa ku yiri Taabit Cabdi Maxamed oo dalka ka maqan.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT