Maxaa keenay khilaafka u dhaxeeya M/weyne Farmaajo & Shariif Xasan Aadan?

Warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in madaxtooyada Soomaaliya ay qorsheyneyso inuusan doorashada soo socota ku soo bixin madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheikh Aadan.

Sarkaal ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya oo magaciisa sababo amaan dartiisa u qariyay ayaa Wakaaladda Warqaad.com u sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo uusan la dhacsaneyn howlaha kala duwan uu Koonfur Galbeed ka qabto madaxweyne Shariif Xasan,islamarkaana doonayo inaan did loo dooran.

Shariif Xasan Sheikh Aadan,madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa wada olole uu ku doonayo inuu mar kale ku guuleystay doorashada madaxtinimo ee maamulkaasi.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa dadaal iyo dhaqaalo intaba ku bixineyso in doorashada uu ku soo baxo mas’uul iyagu ka shidaal qaato,islamarkaana fulinaya amarkooda.

Xildhibaanada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in doorashada waqtigeeda ku dhaceyso,islamarkaana aan dib marnaba loo dhigeyn


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT