Madaxweyne Farmaajo oo u hambalyeyey Amiirka iyo shacabka dalka Kuwait

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay Amiirka iyo shacabka dalka Kuwait sanad guuradii 57-aad ee ka soo wareegtay xurriyadda dalkas.

Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay farxadda la qeybsanayaan walaalaha Kuweyt oo u dabaal dagayay maalintan qiimaha badan ee xornimada ay ka qaateen gumeystihii dalka Ingiriiska.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyey xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal iyo sida markasta ay uga go’an tahay kor u qaadistiisa.

Madaxweynaha oo uga mahad celiyey shacabka iyo Dowladda Kuwait sida joogtada ah ee ay u garab istaagaan Soomaaliya, waxaana u rajeeyey horumar dheeraad ah iyo farxad waarta.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT