M/weyne Trump oo doonaya inuu soo Afjaro Xiisadda dalka Qatar iyo Wadamada Khaliijka

M/weynaha Dalka Mareykanka Donlad Trump ayaa magaalada Washington ku casuumay madaxda waddamada ku jira Ururka Iskaashiga Khaliijka Carabta ee GCC loo soo gaabiyo.

Madaxweynaha Mareykanka waxaa uu doonayaa in uu wax ka qabto xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa Dalalka Imaaraadka,Sucuudiga,Baxreyn iyo Masar oo dhinac ah iyo dowladda Qadar oo dhinaca kale ah.

Diblomaasiyiin badan ayaa rumeysan in khilaafka Khaliijka uu ka dambeeyo Mareykanka gaar ahaan Donald Trump,waxaana hadda uu doonayaa in isaga uu kala fududeeyo carabta isu careysan.

Shirka Mareykanka iyo GCC ee sanad laha ah ayaa lagu casuumay Boqorka Qadar,dhaxal sugaha Sucuudiga iyo dhaxal sugaha Imaaraadka.

Shirkan Sanadkiiba mar la qabto kii ugu dambeeyay waxaa uu Bishii May ee 2017kii ka dhacay magaalada Riyaadh ee xarunta Dalka Sucuudiga,waxaana uu dhacay bil ka hor inta uusan khilaafka billaaban.

Shirweynaha labada dhinac ee Mareykanka iyo Carabta ayaa la filayaa in uu qabsoomo dhamaadka Sanadkan halka Madaxda Waddamada Khaliijka ee is hayana ay Bilaha March iyo April tagi doonaan Mareykanka.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT