Dowladda Qadar oo Gaadiidka Gurmadka deg deg ah ku wareejiso Isbitaalo si gaar ah loo leeyahay

Xafiiska Deeq bixinta Qadar ee Soomaliya ayaa dhawaan Gudoon-siiyay isbitaallo ka howlgala Magaalada Muqdisho saddex gaadiidka ambalaaska ah.

Guddoon-siintan ayaa ka dhacday Xaflad ballaaran oo ay kasoo qayb-galeen wasiirka Arrimaha gudaha,xubno ka socday dowladda qadar iyo safaarado kale, Goddoonsiinta gaadiidkan caafimaaadka ayaa imanaysa kadib cabasho fara badan oo ka timid adeegga Gaadiidka caafimadka oo Gawaabsi noqday gaar ahaan arimaha dag daga ah.

Wasiirka Caafimaadka dowladda federaalka Soomaliya Marwo Fowziya Abukar Nuur, Wasiirka Qorshaynta iyo Maalgalinta Mudane Jamaal Maxamed Xassan,Madaxa Arrimaha Qadar ee safaaradda Muqdisho Xasan Bin Xamza, Safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya Olgeen Becker,Xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya,Saraakiisha isbitaallada deeqdani ka faa’iidaystay iyo isku-duwaha xafiiska deeq-bixinta Dowladda Qadar ee Soomaliya ayaa dhammaan kasoo qayb galay Munaasabaddan.

Dr Fowsiya Abuukar Nuur ayaa gunaanadkii xafladda uga mahad celisay dowladda qadar kaalinta baaxadda leh ee ay la garab istaagtay Shacabka Soomaliya waxayna sidookale sheegtay in ay mar walba xusuusnaan doonaan kaalinta muhiimka ah ay dowladda Qadar kaqaaday dhinacyo farabadan ee ku aadan arimaha bini’aadannimo.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT