Agaasime uu dhaawacay Askari ka tirsan ilaalada Villa Soomaaliya oo Go’aan lama filaan oo lagu farxay qaatay

 

Kullan ka dhacay Guriga ay magaalada Muqdisho ka degan tahay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa Agaasimaha Waaxda Xiriirka Gobollada ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha C/llaahi C/kariim Maxamed Xiireey ayaa wuxuu kaga dhawaaqay inuu cafiyay dhiiga dhacdadii uu ku dhaawacmay ee ka dhacay Muqdisho.

Agaasime Xiireey ayaa dhaawac ka soo gaaray kadib markii 14-kii bishan askari ka tirsan Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya rasaas uu ku furay xillia uu marayay iridka hore ee Beerta Nabada.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo kullanka is cafinta ka hadashay ayaa sheegtay iney ku faraxsan tahay talaabada uu qaaday Agaasime Xiirey oo laga fileyn Qof dhalinyaro oo Xilligan jiro.

Sidoo kale,Agaasimaha Waaxda Xiriirka Gobolada ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha C/llaahi C/kariim Maxamed Xiirey oo goobta ka hadlay ayaa si cad u sheegay inuu cafiyay askarigii dhaawaca u geystay,islamarkaana waxba u heysan Aaqiro iyo Aduun.

Mid ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Ilaalada oo isagana madasha ka hadlay ayaa sheegay iney ku dadaalayaan sidii askarta uga dhowrsan lahaayeen waxyeeleynta madaxda iyo dadka shacabka ah.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT