XOG HOOSE:-Degmada laga soo Abaabulay Qaraxyada & Weeraradii shalay Muqdisho Gilgilay oo la ogaaday

Sir hoose  oo ay heshay warbaahinta Halsheeg ayaa sheegeysa in Ciidamada Sirdoonka Soomaaliya lagu wargaliyay in Qaraxyadii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho lagu abaabulay magaalada Gudaheeda.

Xubno ka tirsan dagaalyahanada Al shabaab ayaa la sheegay in Muddooyinkii ugu dambeeyay Guri weyn oo ku yaala degmada Dharkiinley inay ku abaabulayeen qaraxyada.

Walow dowlada Soomaaliya ay ka war heshay Weeraradan digniina ay kasoo saartay hadana Al shabaab si naftood hurnimo ah ayay u geysteen weeraradaasi oo qorshahooda xooganaa la fashiliyay balse khasaare kale oo aan yareyn geystay.

Ciidamada nabad sugida Soomaaliya ayaa baaritaano culus ka sameynaya qeybo ka mid ah degmada Dharkiinley iyadoo ujeedka uu yahay in lasoo helo raadka weerarka oo lagu sheegay degmadaasi.

Qaraxyada dhacay waxaa ku geeryootay in ka badan 18 qof, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen dad ku dhow 20 qof, oo isugu jira Askar iyo shacab, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

Intii dagaalka uu socday, ayaa waxaa aagga Madaxtooyada dadkii ku dhintay ka mid ahaa Laba Alifle Xoogga dalka Bashiir oo ka mid ahaa ciidamada Illaalada Madaxtooyadda, kaasi oo ay dileen ragga hubaysan.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga C/casiis (Xildhibaan) ayaa sheegay in Ciidamada ammaanka ay toogteen Shan oo uu sheegay in ay ahaayeen raggii weerarka soo qaaday, weerarkana isla xalay la soo afjaray.

Wadooyinka qaar ee Muqdisho ayaa xalay ilaa saakay xiran gaar ahaan goobta uu weerarka ka dhacay, iyada oo wadooyinka lagu soo daadiyay Ciidamo dheeraad ah, kuwaasi oo ammaanka sugaya.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT