Warbixin ku saasban khasaarahii ka dhashay Qaraxyadii Muqdisho oo dhammeystiran

Khasaare ayaa ka dhashay ilaa 3 qarax oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, qaraxyadan ayaa ka kala dhacay meelo u dhow xarummaha Villa Somalia iyo NISA.

Weriyeyaasha ayaa booqasho iyo xiriir la sameeyay Isbitaallada magaalada Muqdisho si xog dhab ah looga helo dadkii waxyeelladu soo gaadhay.

Xogtan hoose waxa laga helay ilaa 5 Isbitaal, waana kuwii la geeyay dadka ugu badan ee waxyeelladu soo gaartay.

Isbitaalka Madiina: sida uu Warbaahinta madaxa Isbitaalka Dr. Cabdiqadir Macalin Xuseen u sheegay waxaa la geeyay meydadka 27 iyo 12 dhaawac ah, dhaawacyadii la geeyay labo ayaa geeriyootay, 10-na waa la jiifiyay.

Daaru-shifa: Waxaa Warbaahintala hadlay Dr. Cabbaas Maxamud, agaasimaha Isbitaalka, waxuuna sheegay in la soo gaarsiiyay 15 dhaawac ah, 8 fudud, 6 la jiifiyay halna wax looga qaban kari waayey cisbitaalka.

Isbitaalka Erdogan (Ex Digfeer): Dhakhaatiir la hadalnay waxaa ay noo sheegeen in 7 dhaawac ah la soo gaarsiiyay.

Isbitaalka Ummah: Qaar ka tirsan dhakhaatiirka ayaa Wariyeyaasha u sheegay in ay soo gaareen 16 dhaawac ah, oo labo ka mid ah ay u gudbiyeen Erdogaan, halka mid kale uu Isbitaalka ku dhintay.

Isbitaalka Keysaney: Isbitaalka Keysaney dhakhaatiir ka tirsan ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay in la gaarsiiyay 8 dhawac ah, 4 fudud oo la diray iyo 4 la jiifiyay.

Dhinaca kale C/casiis Xildhibaan, afhayeenka wasaaradda amniga ayaa sheegay iney toogteen 5 ka tirsan dagaalyahannada A-shabaab ee weerarka soo qaaday,

Guud ahaan dhimashada Ay Warbaahinta diwaan-gelisay waa 35 halka dhaawaca uu gaaray 55 qof.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT