DHAGEYSO: Buuq & kala carar ka dhashay Doorashada Kursi ka mid ah Golaha Baarlamaanka oo Muqdisho ka dhacday

Buuq sababay dib u dhac ayaa ka dhashay ka kursi ka mid ah Kuraasta Golaha Shacabka oo maanta lagu wadday in Muqdisho lagu qabto doorashadiisa.

Qaar ka mid ah Ergooyinka ayaa bilaabay Buuq iyo Qeylo markii ay bilaabatay doorashadda sidda ay xaqiijiyeen Guddiga doorashooyinka.

Kursiga ka bannaan Golaha Shacabka ayaa waxaa ku tartami lahaa musharaxiinta kala ah C/raxmaan Axmed Ceynaan iyo Musharax Faatax Saciid Xasan, laakiin buuq iyo Sawaxan ka dib doorashadii dib ayaa loo dhigay.

Kursiga ayaa horay waxaa uga geeriyooday Saciid Xasan Geedi.

Xaliimo Ismaaciil Gudoomiyaha Gudiga doorashooyinka Madaxa banaan ayaa buuqa ka dib warbaahinta u sheegtay in dib loo dhigay doorashadda Kursigaasi.

Waxaa ay sidoo kale sheegtay in ay dib kasoo sheegi doonaan xilliga ay dhaceyso doorashadda kursigaasi, Maadaama Ergooyinka ay jabiyeen Sharciga doorashadda.

Guddiga doorashooyinka ayaa waday maalmihii lasoo dhaafay buuxinta Kuraasta ka banaan Golaha Shacabka, waxaana lagu waddaa in Magaalada Cadaado lagu qabto Kursi ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso Codka

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT