Ciidanka Dowladda oo heegan culus la geliyay, Weeraro laga cabsi qabo iyo Bartilmaameedka Cusub ee Al-Shabaab oo…

Kadib Weerarkii ay Kooxda Shabaab caawa ka geysteen magaalada Muqdisho ayaa waxaa weli jira cabsi kale.

Warar laga soo xigtay saraakiisha amaanka ayaa xaqiijinaya iney jiraan weeraro kale oo ay qorsheynayaan kooxda Shabaab.

Wasaaradda amniga DFS ayaa lasoo sheegayaa iney amartay in ciidamo dheeraad ah la geeyo xarumaha dowlada ee magaalada Muqdisho, qaar kamid ah hoteelada iyo xarumo kale oo muhiim ah.

Meelaha sida weyn cidamada dheeraad ah loo geynayo waxaa kamid ah garoonka diyaaradaha, Dekadda Muqdisho, Jidka Maka Almukarama iyo hoteelo ay degan yihiin madax iyo siyaasiyiin caan ah.

Kooxda Shabaab ayaa sidoo kale laga cabsi qabaa iney weeraro ka geysato meelaha ay shacabka ku badan yihiin gaar ahaan maqayaadaha la fadhiisto iyo goobaha la isugu yimaado xiliyada nasashadda.

Ku dhawaad shan dagaalyahan oo weerar isugu jiray dagaal toos ah iyo isqarxin ka geystay caawa Muqdisho ayaa guud ahaanba la dilay sida uu sheegay wasiirka amniga.

Laakin, cabsida laga qabo in weeraro kale ay dhacaan ayaa weli jirta, waxaana heegan la geliyay ciidamada amaanka.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT