Ammaanka Madaxtooyada Soomaaliya oo aad loo adkeeyey kadib markii……….

.
Ciidamadii ugu badnaa abid ayaa galabta la soo dhoobay isgoysyada laga soo galo madaxtooyada Soomaaliya si ay u adkeeyaan amaanka una caawiyaan ciidamadii horay ugu sugnaa.

Gaadiidka dagaalka ee loo yaqaano Cabdi-bilaha ayaa Ciidamada geynayaan xarumaha muhiimka ah ee laga ilaaliyo madaxtooyada,waxaana Ciidamada ay yihiin kuwo si aad ah u hubeysan.

Ciidamada ilaalada madaxtooyada oo ah Ururka 60-aad ee loo yaqaano “Koofi Gaduud” ayaa iyagu u xilsaaaran ilaalinta amniga Madaxtooyada iyo madaxda Qaranka sida madaxweynaha,Ra’iisal wasaaraha iyo Guddoomiyaha Golaha shacabka.

Goobaha Ciidamada Hubeysan galabta lagu arkayo waxaa ka mid ah,Baraha Kontarol ee laga ilaaliyo sida Bar-kontarol oo ku dhow isgoyska Sayid oo ah halka laga ilaaliyo xarunta Golaha shacabka ee magaalada Muqdisho iyo irida hore ee laga galo madaxtooyada Soomaaliya oo halka shalay ay Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab isku fara saareen.

Shacabka ayaa wali waxaa dhegahooda ka guuxaya weerarkii marqabnimadii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta madaxtooyada iyo Hay’adda Nabad sugida kaasi oo sababay dhimashada dad kor u dhaafaya 30-Ruux.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT