Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo ka qeyb galay shirka Wasiirada waddamada Islaamka

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Jeddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya kaga qeyb galay shirka 4aad ee Wasiirada Shaqada dalalka Islaamka.

Shirkan oo looga hadlayay horumarinta shaqada iyo saameynta Istiraatiijiyada loo mideysan oo lagu horumarinayo shaqaalaha.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Saalax Axmed Jaamac ayaa khudbad ka jeediyay shirka, isagoo diirada saaray dadaalka Xukuumadda ugu jirto fursad shaqo u abuurida dhalinyarada.

Sidoo kale Wasiirka ayaa ka hadlay dadaalka ay wado Wasaaradda Shaqada Soomaaliya ee ku aadan sidii loo horumarin lahaa siyasadaha iyo shuruucda hagagaya shaqo abuurka.

Dhinaca kale Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay Wasiirada dhiggiisa ee ka socday dalalka Islaamka, isagoo kala hadlay xoojinta iyo iskaashiga ka dhaxeeya dalalkaas iyo sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen barnaamijka shaqo abuurka dhalinyarada Soomaaliyeed.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT