Militeri Cusub oo Tababar loo soo xiray & Ilaalada villa Somaaliya oo awood u yeelan doona…

Wasiirka Gaashaandhiga iyo taliyaha Militeriga Soomaaliya ayaa ka qeyb galay xaflad balaaran oo tababar loogu soo xirayay ciidamo cusub oo katirsan guutada madaxtooyada.

Ciidamadan oo isugu jira rag iyo haween mudo tababar qaadanayay ayaa lagu doonsiiyay shahaadooyinkooda, waxaana ay diyaar uyihiin iney ku biiraan ciidamada xooga dalka.

Wasiirka Gaashaandhiga Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh ayaa ciidamadaas kula dar daarmay iney dalkooda si wanaagsan ugu shaqeeyaan.

Guutada cusub ee madaxtooyadda loo diyaariyay ayaa ah ciidamo si gaar ah u haysta tababar buuxa, waxaana ay caan ku yihiin koofida gaduudan.Tan iyo markii la doortay madaxweyne Farmaajo, waxaa uu marar badan ku cel celiyay inuu awooda saari doono sidii loo dhisi lahaa ciidamada qalabka sida gaar ahaan kuwa militeriga si dalka uu uyeesho ciidamo awood leh.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT