Warning: include(/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/guide.php): failed to open stream: No such file or directory in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 18

Warning: include(): Failed opening '/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/guide.php' for inclusion (include_path='.:/opt/cpanel/ea-php56/root/usr/share/pear') in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 18

Warning: include(/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/showcase.php): failed to open stream: No such file or directory in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 37

Warning: include(): Failed opening '/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/showcase.php' for inclusion (include_path='.:/opt/cpanel/ea-php56/root/usr/share/pear') in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 37

Warning: include(/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/support.php): failed to open stream: No such file or directory in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 47

Warning: include(): Failed opening '/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/support.php' for inclusion (include_path='.:/opt/cpanel/ea-php56/root/usr/share/pear') in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 47

Warning: Cannot modify header information - headers already sent by (output started at /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php:18) in /home/sadaq/public_html/wp-content/plugins/post-views-counter/includes/counter.php on line 276
M/weyne Kalinka 5-aad oo ka hadlay maxaabiis laga sii daayay Xabsiga magaalada Jigjiga | <link rel="pingback" href="http://www.halsheeg.com/xmlrpc.php" /> M/weyne Kalinka 5-aad oo ka hadlay maxaabiis laga sii daayay Xabsiga magaalada Jigjiga | Hal Sheegaha La Hubo

M/weyne Kalinka 5-aad oo ka hadlay maxaabiis laga sii daayay Xabsiga magaalada Jigjiga

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sheegay dowlad deegaanka uu cafis u fidiyay tiro badan oo maxaabiis ah.

Mas’uuliyiinta maamulka dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa shalay xabsiga ka sii daayay ku dhawaad 1,500 Qof oo ka tirsan Jabhadda Mucaaradka ah ee ONLF ee ka dagaallanka dhulka Soomaalida Itoobiya.

Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sheegay maxaabiistan la sii daayay in ay isugu jiraan qaar dhameystay waqtigoodii iyo qaar kale oo ka mid ahaa ururada nabad diidka waa sida uu madaxweynaha hadalka u dhigay, wuxuuna tilmaamay in shaqo abuur loo sameynayo.

“Maxaabiis badan baa Xukuumadu ay cafiday, qaar baa waqtigoodii u dhamaaday, qaar kalena waxa ay ka tirsanaayeen ururka nabad diidka, shaqo abuur ayaa loo sameynayaa, sanadkata waan sii deynaa maxaabiista” ayuu yir madaxweyne Cabdi Maxamuud.

Dadkaan faraha badan ayaa laga sii daayay xabsiga Jeel Ogaadeeniya ee magaalada Jigjiga ee Xarunta ay ku shaqeyso dowlad deegaanka Somalida dalka Itoobiya.

Marka dhinaca kale la eego sii deynta maxaabiistan ayaa timid xili wada hadallo u bilaawdeen ururka ONLF iyo dowladda Itoobiya.

Fikradaha Akhristayaasha (0)

ADVERTISEMENT