Doorashada Baarlamaanka dalka Jabuuti oo Billaabatay

Dalka Jabuuti waxaa maanta ay dadweynuhu u dareereen codeynta doorashada baarlamanka, iyadoo xisbiga ugu weyn isbaheysiga mucaaradka ee MRD uusan ka qeyb galin doorashadaasi

Xisbiga talada haya ee UMP ee madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa la filayaa inuu sii xajisto kuraasta aqlabiyadda ee baarlamnaka, maaddaama lixda degma doorasho ee Jabuuti ay saddex ka mid ah oo kaliya ay ka sharaxanyihiin xubno mucaarad ah.

Murashixiita mucaaradka ayaa ka baratamaya Carta, Obokh iyo Dikhil, halka murashixiinta xisibiga talada haya ee UMP ay kaligood ka ordayaan Cali Sabiix, Tajorre iyo Jabuuti.

Xisbiga ugu weyn Isbaheysiga mucaaradka ee (MRD), ayaan wax musharrax ah ku laheyn doorashadan, maadaama uu qaadacay, shakina uu geliyay xalaalnimada hannaanka doorashada.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT