DEG DEG:- Dagaal weli ka socda agagaarka Madaxtooyada & Qarax2-aad oo dhacay

Qaraxii 2-aad oo aad u xooggan ayaa goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka madaxtooyada Somalia.

Qaraxa labaad ee goor dhow dhacay ayaa sida la sheegay waxa uu ka dhacay meel u dhow hoteelka SYL ee u dhow Villa Somalia.

Xaaladda ayaa ah mid kacsan waxaana agagaarka madaxtooyada ku qul qulaya ciidamo aad u hubeysan oo isugu jira milatari Nabadsugid iyo Booliis.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dabeely hubeysan ay si xoog ah ugasoo gudbeen bar koontarool oo ciidamada dowladda ay ku leeyihiin wadada Sayidka.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT