DAAWO:- R/W Kheyre oo ka jawaabay Codsiga Wiil Xanuunsan & Fariin uu udiray …

Ra’isul Wasaaraha dowlada Soomaaliya ayaa si deg deg ah uga jawaabay codsiga wiil xanuunsan oo dhawaan ka istaagay Masaajidka Isbahaysiga ee magaalada Muqdisho si loo caawiyo.

Wiilkan ayaa iyadoo masaajidka ay joogaan madax kat irsan Dowlada iyo siyaasiyiin kale isla markaana salaada janaasada lagu dukanayo meydka Nabadoon Axmed Diiriye istaagay, una sheegay inuu la dhiban yahay xanuun daaweyntiisana ay ku baxeyso lacag kooban.

Hayeeshee, sida aan warbixinta ku helnay siyaasiyiinta ayaa ka dhaga adeegay hadalka wiilka, waxaana banaanka looga saaray masaajidka.

Markii Warbxintiisa la helay ayuu Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre si deg deg ah uga jawaabay codsigii wiilkaas isagoo siiyay lacagtii uu ubaahnaa.

Wiilkan oo aad ugu faraxsan taageerada RW Kheyre ayaa umahadceliyay, waxaana uu sheegay inuusan rajo dhigin.

HOOS KA DAALACO MUUQAALKA

 


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT