Ciidanka NISA iyo Kuwa AMISOM oo Caawa ku dagaalamay Muqdisho+Maxay tahay Sababta?

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Nabadsugida Soomaaliya iyo ciidamo ka tirsan AMISOM oo la socday kolonyo uu dagaal ku dhex maray Isgoyska KM 4 ee magaalada Muqdisho.

Iska hor imaadka ayaa yimid, Kolonyada Ciidamada AMISOM oo ku socday dhinaca Garoonka diyaaradaha Muqdisho ay hor istaageen ciidamo halkaasi ku sugnaa oo ka tirsan NISA , iyadoo ciidamadii AMISOM ay ku adkeysteen inay socodkooda sii wataan.

Xaaladda ayaa faraha ka baxday markii Kolonyadii Ciidamada AMISOM ay si xoog ah jidka loo diiday kaga gudbeen, waxayna labada ciidan is weydaarsadeen rasaas xoog leh, iyadoo askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya uu halkaasi ku geeriyooday.

Gaari ka tirsan kuwa AMISOM ayaa la sheegay inuu qasaare kasoo gaaray iska hor imaadka waxayna kolonyadii AMISOM si awood ah ku galeen xaruntooda weyn ee Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Waqtigan shilkan dhacayo ayaa waxaa socday weerraro ay Alshabaab la beegsanayeen Madaxtooyada iyo xarunta NISA ee Muqdisho, iyadoo aan hore loo arag in ciidamada Soomaaliya ay joojiyaan askarta AMISOM.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT