Break NEWS:- Qaraxyo ka dhacay Muqdisho iyo rasaas laga maqlay magaalada

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya qaraxyo xooggan iyo rasaas waqtiga ka dhaceysa Isgoyska Sayidka, waxaana lagu waramayaa in is rasaaseyntan u dhaxeyso ciidamada dowladda iyo maleeshiyaad hubeysan.

Lama oga sababtay is rasaaseynta labada dhinac, hasse ahaatee warar hor dhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iska caabinayaa maleeshiyaad hubeysan oo isku dayay in ay xoog ku jiiraan ciidamo ka tirsan dowladda oo goobta ku sugnaa, kuwaa oo markii danbe bilaabay in ay qaraxyo fuliyaan.

Ilaa iyo hadda halka uu bartilmaameedka qaraxu ahaa lama garanayo, waxaana xiran gabi ahaanba goobta ay is-rasaaseynta iyo qaraxyadu ka dhaceen.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa Insha Allah.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT