R/Wasaare ku-xigeenka dalka Turkiga oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Waxaa duhurnimadii maanta Khamiis ah ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Turkiga Hakan Çavuşoğlu

Waxaa garoonka ku soo dhaweeyay ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiiro, Xildhibaano, Safiirka Turkiga Soomaaliya, Saraakiil Ciidan iyo xubno kale.

Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Turkiga ayaa booqanaya saldhiga Militari ee Turkiga uu ku tababaro Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee ku yaalla degaanka Jazeera ee duleedka Muqdisho.

Sidoo kale ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Turkiga ayaa inta uu ku sugan magaalada Muqdisho la kulmi doona madaxda dowladda Soomaaliya.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT