Nin ku hubeysan AK47 oo 2-ruux ku dilay magaalada Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil Xalay 2 Qof oo shacab ahaa loogu geystay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Dilkan ayaa la sheegay in uu ka dhacay Waddada loo yaqaano Jid Cakaaro ee degmadaasi.

Ilo deegaanka ayaa sheegay in labada Qof ee la dilay ay kala ahaayeen Wade Mooto Bajaaj iyo Nin la socday.

Waxaana dilkaasi la sheegay in uu ka dambeeyay Nin ku hubeysnaa Qori AK47, kaas oo goobta isaga baxsaday.

Lama illaa iyo hadda sababaha rasmiga ah ee ka dambeeya dilka Marxuumintaasi.

Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa goobta gaaray, kuwaas oo baaritaano ka sameeyay qeybo ka mid ah degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Wadajir oo ku aadan dilkaasi.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa Muqdisho ka dhacayay falal liddi ku ah ammaanka, mana muuqato qorshe ay wax uga qabanayaan laamaha ammaanka ee Dowladda.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT